Murashaxiin ka baxay doorashada madaxtinimada Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Afarta murashax ee ugu cad-cad tartanka madaxtinimada Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ay ka baxeen doorashadda hogaanka cusub ee dowlad goboleedkaas.

Siyaasiyiintaan ayaa lagu kala magacaabaa; Cabdi Dheere, Kamaal Guutaale, Cabdiraxmaan Odawaa iyo Cabdullaahi Faarax Wehliye.

War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen kaasoo uu arkay Garowe Online ayay ku sheegeen in aysan ka qeyb-geli doonin doorashada "ay afduubatay" dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sababta ayay ku sheegeen in Guddiga doorashada uu kala qeybsan yahay, iyagoo soo jeediyey in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo afjaro ismaandhaafka si doorasho u noqon mid lawada ogol yahay.

Go'aanka murashaxiinta ayaa kusoo beegmaya iyaddoo Ahlu Sunna ay mar sii horeysay ku dhawaaqday "in aysan qeyb ka ahayn doorasho ay boobeyso xukuumadda Muqdisho".

Talaabada ururkaas ayaa timid markii uu soo shaac-baxay khilaafka kala dhaxeeya Villa Soomaaliya oo ku saabsan hogaanka kooxda maamuleysa coddeynta oo guddoon cusub doortay.

Ahlu Sunna ayaa dalbatay in ay iyaddu hogaamiso guddiga doorashada baarlamaanka oo ay ku leedahay lix xubnood, kuwaasoo ku hanjabay in ay isla Dhuusamareeb ku qabanayaan doorasho kale.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM