Murashaxiin shuruudo ku xiray ka qeybgalka doorashada Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Afar kamid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Galmudug ayaa lix shuruud ku xiray ka qeybgalka doorashada madaxtinimada maamulkaas.

Shuruudaha ay soo bandhigeen waxaa qeyb ka ah in la bedelo guddiga doorashada haatan jira, in la xaliyo khilaafka soo cusboobaadey iyo loo ogolaado la kulanka mudaneyaasha cusub.

Go'aanka cusub ee murashaxiinta ayaa kusoo hagaagaya xili ay horey ugu dhawaaqeen in aysan ka qeybgeli doonin tartanka hadii aanan lasoo afjarin muranka dowlada iyo Ahlu Sunna.

Is-qabqabsiga cusub ee xukuumada federaalka iyo Ahlu Sunna ayaa salka ku haya gudoonka guddiga doorashada oo cidda hogaamineysa uu is-mari-waa ka taagan yahay.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay "afduubatay" hanaanka soo xulista Xildhibaanada isla markaana "dooneyso in ay u doortaan madaxweyne daacad u ah Nabad iyo Nolol".

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM