Mursal iyo safiirka UK oo kawada hadlay doorashooyinka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo danjiraha Ingiriiska ayaa kulan ku yeeshay magaaladda Muqdisho, maanta oo Axad ah.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo Ben Fender ayaa kawada hadlay doorashooyinka Soomaaliya, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Mursal ayaa lagu shaaciyey in shirkan sidoo kale lagu soo qaadey diyaar-garowga doorashadda 2020-21.

Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka doodaya sharciga doorashooyinka iyo nidaamka ay coddeynta noqoneyso.

Beesha Caalamka oo dhowaan go’aano kasoo saartay nidaamka ayaa waxay ku baaqday in uu noqdo mid la aamini karo oo hufan.

Saaxiibadda Aduunka ayaa ku tartarsiiyey labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah in dhamaadka sanadkan 2019-ka ay meelmariyaan sharciga doorashooyinka.

Daneeyeyaasha ayaa soo jeediyey in nidaamka lagu galayo doorashadda Soomaaliya ee sanadka dambe uu noqdo mid meesha ka saaraya muddo kororsi loo sameeyo madaxda talada haysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM