Mursal oo Eedeeyay Badbaado Qaran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo waraysi siiyay Telefishinka Universal ayaa mar uu ka jawaabayay su’aalo la xiriiray Doorashadii 2022 waxaa uu difaacay madaxweynihii hore, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

“Farmaajo Doorasho ma hor-taagnayn runta markaan kuu sheego anaga dalka ayaan samatabixinay “

Isaga oo sii hadlaya waxaa uu sheegay in mucaaradkii xiligaas ay doonayeen in ay Soomaaliya ku laabato Fawdo. Mucaaradkii wakhtigaas oo uu kamid ahaa madaxweynaha hadda xilka haya, Hassan Sheikh Maxamuud ayaa ku midaysnaa madasha Bad-baado Qaran.

Eedeymaha kasoo yeeray Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka ayaa imaanaya Iyada oo uu dalka ka socdo hawlgal lagula Diriraayo kooxaha kasoo horjeeda dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM