Musharaxiinta oo dhaleeceyn u jeediyey xukuumada Rooble

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga musharraxiinta ayaa kulan ay isugu yimadeen ku sheegay in xukuumadda xilgaarsiinta Rooble ay "si aan wanaagsaneyn" u maamushey khilaafka doorashada gobollada waqooyi.

Waxa ay sidoo kale ka hadleen is-qabqabsiga la sheegay in uu soo kala dhexgalay madaxweyne xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullahi [Farmaajo] iyo wasiirka koowaad ee xilku gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Ridwaan Xirsi Maxamed oo ah afhayeenka golaha ayaa BBC Somali u sheegay in "hadda loo baahan yahay in si taxadar leh loo eego wixii dib u dhac u keeni kara hannaanka doorashada iyo in awoodda aysan cidina u isticmaalin si tagrifal ah".

"Khilaafka" madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayuu ku sifeeyay "arrin muuqata". Wuxuu intaa ku daray: "Go'aamada kama dambeysta ah ee aanu ka qaadaneyno way soo bixi doonaan".

Walaaca Musharaxiinta ayaa imaanya xilli dhowaan Musharax Cabdikarim Guuleed oo ka tirsan midowgaan taageerey Gudoomiye ay doorteen garab ka tirsan guddiyada doorashada Somaliland.

Guuleed ayaa dhinaca kale qoraal u soo dhigey bartiisa Facebook ku bogaadiyey Rooble in dadaal wanagsan ka sameeyey xalinta khilaafka siyaasiyiinta reer Somaliland.

Qadiyada Kuraasta Somaliland ayaa kamid ah waxyaabaha daahiyey doorashooyinka Soomaaliya. Dhanka kale, xiisada ka dhex-qarxdey xukuumada iyo madaxtooyada waxaa laga cabsi qabaa in ay dib-u-dhac kale horseedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM