Musharaxiinta oo ka digay halis ka imaan karta boobka doorashada

Image
Tartameyaasha ayaa hoosta ka xariiqay in ay ahmiyad koowaad siinayaan doorasho hufan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaabka ay haatan ku bilaabatay doorashadda Golaha Shacabka waxay halis ku tahay xasiloonida Soomaaliya, sida ay shaaca ka dhigeen musharaxiinta madaxtinimadda.

Dhawaqan ayaa kusoo aadaya xilli Midowga Musharaxiinta ay todobaadyadii lasoo dhaafay wadahadalo dhexdooda ah ay ku lahaayeen magaalada caasimada u ah Soomaaliya ee Muqdisho.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeedka, dhinacyadda ay la shireen waxaa kamid ah ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble kaasoo laf-dhabar u ah doorashooyinka dalka ka bilowdey.

Bayaankan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in boob baahsan oo abaabulan ay ku bilaabatay doorashooyinka isla markaana muhiim ay tahay in daahfurnaan la helo.

"Goluhu wuxuu sii wadayaa kulamadiisa wuxuu ka shaqeyn doonaa sida ugu haboon ee loo hirgelin lahaa doorasho hufan oo daahfurnaan ballaaran leh," ayuu hoosta ka xariiqay golaha musharaxiinta.

Ugu dambeyntii, musharaxiinta ayaa carabka ku adkeeyay in ay ajandahooda koowaad ka dhigan doonan sidii Soomaaliya uga qabsoomi lahayd doorasho badbaadin karta masiirka iyo aayaha fog.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka musharaxiinta

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM