Musharaxiinta oo ka digay halis ka imaan karta boobka doorashada

Image
Tartameyaasha ayaa hoosta ka xariiqay in ay ahmiyad koowaad siinayaan doorasho hufan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaabka ay haatan ku bilaabatay doorashadda Golaha Shacabka waxay halis ku tahay xasiloonida Soomaaliya, sida ay shaaca ka dhigeen musharaxiinta madaxtinimadda.

Dhawaqan ayaa kusoo aadaya xilli Midowga Musharaxiinta ay todobaadyadii lasoo dhaafay wadahadalo dhexdooda ah ay ku lahaayeen magaalada caasimada u ah Soomaaliya ee Muqdisho.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeedka, dhinacyadda ay la shireen waxaa kamid ah ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble kaasoo laf-dhabar u ah doorashooyinka dalka ka bilowdey.

Bayaankan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in boob baahsan oo abaabulan ay ku bilaabatay doorashooyinka isla markaana muhiim ay tahay in daahfurnaan la helo.

"Goluhu wuxuu sii wadayaa kulamadiisa wuxuu ka shaqeyn doonaa sida ugu haboon ee loo hirgelin lahaa doorasho hufan oo daahfurnaan ballaaran leh," ayuu hoosta ka xariiqay golaha musharaxiinta.

Ugu dambeyntii, musharaxiinta ayaa carabka ku adkeeyay in ay ajandahooda koowaad ka dhigan doonan sidii Soomaaliya uga qabsoomi lahayd doorasho badbaadin karta masiirka iyo aayaha fog.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka musharaxiinta

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM