Musharaxiinta oo shir 3 casho soconaya uga furmay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta waxay Muqdisho ku leeyihiin shir ay uga arrin-sanayaan doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka bilaabatay dalka.

Fadhigan oo uu martigelinayo Hotel Jazeera kaasoo ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho wuxuu imaanayaa xilli xubno ka tirsan musharaxiinta ay walaac ka muujiyeen nooca coddeynta ee bilaabatay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xubin ka ah golahan ayaa warbaahinta wuxuu kaga warbixiyey ajandaha shirka saddex casho soconaya oo maanta musharaxiinta uga bilowday Muqdisho.

"Waxaan maanta u bilawday Midowga Murashaxiinta kulan sedax maalin socon doona. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Ka hor inta uusan soo bixin mowqifka Midowga, waxaan watashi la yeelan doonaa Raysalwasaaraha, madaxda DG, bulshada Rayadka iyo beesha caalamka".

Warsame oo hogaamiya xisbiga Wadajir ayaa kamid ah xubnaha walwal ka ka muujiyey nooca doorasho ee ka bilaabatay Soomaaliya waxaana uu todobaadkii hore toosh ku ifiyey siyaasiyiinta Soomaalida.

Marka laga reebo HirShabelle, afarta maamul kale ee ka jira waddanka ayaa bilaabay xulista Aqalka Sare. Kaliya Puntland ayaa dooratay xubnaha ay Senate-ka ku leedahay, kuwa kale ay xubno u harsan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM