Muxaadaradii muranka dhalisay ee Sheekh Umul oo la baajiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in muxaadaradii muranka dhalisay ee Sheekh Maxamed Cabdi Umul in gebi ahaanba la baajiyey.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii qaar kamid ah bulshadda ay naqdiyeen kalmadda. Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo culimada Muqdisho kamida ayaa horkacayey.

Dadka kasoo horjeeday muxaadaradda ayaa coksanayey in Sheekh Umul hadal uu horey u jeediyey "lagu laaayey" shacab badan gaar ahaan Suufiyiinta.

Tani ayaa soo cusbooneysiisay dagaalka urur diimeedyadda Muqdisho, waxayna saameysay xafiisyadda madaxda dowladda oo kala qeybsanaan xoog leh ay ka dhex-abuurtay.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya oo baajinta kalmadda ku dhawaaqday ayaa mucaaridada lagala hortegay kalmadda Sheekh Umul ku qeexday "tashwaasih furid".

Sidda laga soo xigtay bayaanka, Sheekh Umul isaga ayaa goostay in dib loo dhigo muxaadaradda oo lagu waddey in ay Axadda ka qabsoonto qalcadda Injineer Yariisow.

"Sheekh wuxuu qaban doonaa inta uu dalka joogo barnaamijyo kala duwan oo wacyigelineed oo ka bixi doona warbaahinta kala duwan ee dalka," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sheekh Umul oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa wuxuu kamid ahaa wafdi ka yimid Kenya kuwaasoo Muqdisho ka dejiyey deeq looga jawaabayey fatahaadaha Beledwayne.

Qoraalka Wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM