Muxaadaradii muranka dhalisay ee Sheekh Umul oo la baajiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in muxaadaradii muranka dhalisay ee Sheekh Maxamed Cabdi Umul in gebi ahaanba la baajiyey.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii qaar kamid ah bulshadda ay naqdiyeen kalmadda. Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo culimada Muqdisho kamida ayaa horkacayey.

Dadka kasoo horjeeday muxaadaradda ayaa coksanayey in Sheekh Umul hadal uu horey u jeediyey "lagu laaayey" shacab badan gaar ahaan Suufiyiinta.

Tani ayaa soo cusbooneysiisay dagaalka urur diimeedyadda Muqdisho, waxayna saameysay xafiisyadda madaxda dowladda oo kala qeybsanaan xoog leh ay ka dhex-abuurtay.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya oo baajinta kalmadda ku dhawaaqday ayaa mucaaridada lagala hortegay kalmadda Sheekh Umul ku qeexday "tashwaasih furid".

Sidda laga soo xigtay bayaanka, Sheekh Umul isaga ayaa goostay in dib loo dhigo muxaadaradda oo lagu waddey in ay Axadda ka qabsoonto qalcadda Injineer Yariisow.

"Sheekh wuxuu qaban doonaa inta uu dalka joogo barnaamijyo kala duwan oo wacyigelineed oo ka bixi doona warbaahinta kala duwan ee dalka," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sheekh Umul oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa wuxuu kamid ahaa wafdi ka yimid Kenya kuwaasoo Muqdisho ka dejiyey deeq looga jawaabayey fatahaadaha Beledwayne.

Qoraalka Wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM