Muxuu ka hor jeediyay madaxweynaha ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka u jooga Ereteriya?

Image

ASMARA - Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa booqday xero ciidan oo lagu tababaro ciidamada Soomaaliya oo ku taalla caasimadda Asmara.

Ciidamada badda Soomaaliya ayaa halkaasi ku qaadanayey tababar ciidan oo heerkiisu sareeyo, waxaana madaxweynaha uu halkaasi ka jeediyey khudbad dhiirigelin ah.

Sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Wadaniyadda, dhabar-adeegga iyo kartida ay muujiyeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed mudadii ay tababarka ku jireen.

Madaxweynaha ayaa faray in ay u diyaar garoobaan sidii ay uga biiri lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee u dagaallamaya in dalka laga xoreeyo ‘AS’.

Kumanaan askari oo Soomaali ah ayaa tababar ciidan ku qaadanaya dalalka Ereteriya, Uganda iyo Masar, si ay u daboolaan bixitaanka ciidamada ATMIS ee la qorsheeyay dhammaadka sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM