Muxuu ka yiri Cali Jeyte mashruuca “Hiiraan State”?

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka jawaabay su’aalo ay shacabku ka weydiiyeen mowqifkiisa ku aaddan xilka dowladeed ee loo magacaabay.

Cali Jeyte ayaa soo hadal qaaday maamulka "Hiiraan State" oo aysan dowladda aqoonsaneyn oo uu madaxweyne isugu magacaabay.

Waxa uu sheegay in uusan ka tanaasulin fikradda maamulka, isla markaana aysan ku koobneyn isaga oo keliya, isagoo carabka ku adkeeyay in saaxiibadiisa siyaasadeed ay sii wadi doonaan howlaha maamulka.

Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay magacaabista Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee xilka u qeybsanaha Xafiiska Ciidamada Deegaanka "Macawisleyda".

Cali Jeyte ayaa la wareegay Madaxtinimada maamulkaas uu ugu magac daray Hiiraan State ka dib xil-ka-qaadis uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Waxaana uga sii horreeyay isku daygaas Generaal Xuud oo heshiis siyaasadeed oo la galay dowladdii hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo awgiis isaga tanaasulay maamulka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM