Qalbi dhagax iyo sidda uu uga falceliyey casuumaaadii Farmaajo

Image

NAIROBI, Kenya – Cabdikariin Muuse [Qalbi dhagax], oo kamid ah hogaanka garsoorka ee jabhadda ONLF, ayaa wuxuu xaqiijiyey in madaxweyne Farmaajo uu u soo diray casuumaad rasmi ah.

Martiqaadkaas wuxuu ahaa in uu yimaado Muqdisho isla markaana lagu qaabilo Madaxtooyadda Qaranka ee magaalada caasimadda ah lagana "raaligeliyo" u dhiibistiisa Itoobiya.

Fariintaas ayaa waxaa Qalbi dhagax soo gaarsiisay mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda talada haysa oo ay Jabuuti kaga qeybgaleen shir, sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-ka.

Sidda uu fahansan yahay Garowe Online, mas'uuliyiinta waxaa kamid ahaa Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ra'iisul wasaare ku xigeenka iyo Cabdi Xoosh Jibriil, wasiirkii Dastuurka.

Sidda ay xogta moojineyso, Qalbi dhagax ayaa fariinta loo sheegay maalin kadib markii uu khudbad ka jeediyay madasha oo ay ka qeybgaleen siyaasiyiin kala duwan iyo aqoonyahano.

"Waxaan is-aragnay Mahdi, ra'iisul wasaare ku xigeenka oo saaxiibkey ah, Xoosh, Baadiyow iyo madax kale oo badan, wuxuuna iigu yiri 'madaxweynaha wuxuu kusoo diray martiqaad rasmi ah, madaxweynaha arrintaas ayuu codsanayaa, waxaana kaa codsaneynaa in aad na raacdo oo aan Xamar ku gayno' su'aal baan waydiiyey," ayuu tibaaxay.

Su'aashiisa ayuu tilmaamay in ay ahayd "Waxaan ku iri qof argagixiso caalami ah ma martiqaadi kartaan? idinku oo ma ogoshihiin in qof argagixiso caalami ah in uu ka dego Aadan Cadde?".

Mahdi ayaa ku jawaabay "way adag tahay". Qalbi dhagax mar kale waydiiyey "dowladdiinu waxay ii taqaanaa argagixiso caalami ah, sabab ay ku dhihi kartaa Qalbi dhagax ha yimaado?"

Xoosh Jibriil ayaa intaas kadib yiri "ninkani [Qalbi dhagax] wuu inaga sharci aqoonsan yahay".

"Waxaan ku iri markaas Muqdisho tega, waxaad dhahdaan 'waan ku gefnay ninkaa iyo qaddiyadiisa' aniga waxba martiqaad ha isoo dirina, anigaa Xamar imaanayo markaas," ayuu tibaaxay.

Wuxuu ku daray: "Raali naga ahow, bey yiraahdeen, madaxa ayey iga salaaxeen, raali naga ahow, xagaa markaan tagno waan dhaheynaa, naga war sug' bey yiraahdeen.

"Niman waxay u ekaayeen marka meesha tagaan dhihi doona 'war waan ceebownee aynu wada hadalno aynu waxyaabahaas ka bixino cudur-daar' mana ila soo xiriirin," ayuu xusay.

Mar la waydiiyey sababta aysan ugu dhiiran karin in ay raaligelin ka bixiyaan ayuu ku jawaabay "waxay ka cabsanayaan in hadii afkooda uu intaas kasoo baxo in la yiraahdo 'dee taga'.

Wuxuu raaciyey: "Macnuhu waxa weye marka qof kamid ah dadkaaga aad bixiso oo aad cadow u dhiibto macnaheedu waxay weye dadkaaga oo dhan in aad bixisay, dalkaaga taako kamid ah hadaad bixisayna macnaheedu waxay weye dalkaaga oo dhan in aad bixisay".

"Nimankaan [dowladda Farmaajo] dadkooda oo dhan bey bixiyeen, haddey hadlkaan oo ay dhahaan oo ay yiraahdaan 'arrintaa waan ku qaldanay, gef baan ka galnay raaligelinna waan ka bixinaynaa' in ay ku dhimanayaan bey moodaan, waana nooc fulaynimo ah".

Ugu dambeyntii, Qalbi dhagax ayaa ku adkeystay in uusan miiska wada hadalka la firiisan doonin madaxda Nabad iyo Nolol inta ay si shaac-baxsan raaligelin uga bixinayaan "qaladkooda".

Xukuumadda Soomaaliya oo Qalbi dhagax u dhiibtay Itoobiya bishii August, 2017, ayaa u cuskatay in uu "maleegayay falal argagixiso" oo ONLF qorsheysay in ay ka fuliso gobolada dalka.

Dedaal dhinacyo badan ka yimid ayaa keenay in bishii June uu xorriyadiisa dib u helo kahor inta uusan kasoo baxsan "dabin ay u dhigtay dowlada oo ay ciidamada Tigrayga kula heshiisay in ay dilaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM