Muxuu Ra’iisul Wasaaraha ka sheegay shirka 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay?

Image

NEW YORK, Maraykanka - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyey shirka 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka samaysay la dagaallanka kooxaha Al-Shabaab iyo sidii ay Caalamku uga caawin lahaayeen wax ka qabashada caqabadaha isbeddelka cimilada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa khudbadiisa ku sheegay in Al-Shabab lagala wareegay 45% deegaanadii ay horey gacanta ugu hayeen, isaga oo ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta saaran muddo ka badan sodon sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dooday in qaadista cunaqabateyntan ay Soomaaliya u sahli karto in ay si hufan ula dagaalanto argagixisada, isla markaana ciidamada qaranka ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo iftiimiyay saameynta xun ee isbedelka cimilada ku leeyahay dadka Soomeeliyeed ayaa sheegay sida ay ula tacaalayaan abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo kaalmaha caalamiga ah ee ku aadan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka dhasha wasakhowga hawada iyo isbedelka cimilada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM