Nabadoon caan ah oo lagu dilay degmada Afgooye

Image

AFGOYE, Somalia - Dabley hubaysan ayaa xalay ku diley degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose Nabadoon Caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Duraan Axmed Cabdi.

Saraakiisha amniga degmada ayaa xaqiijiyaay in labo dhalinyaro ah, oo bastoolado ku hubaysan ay ku toogteen Nabadoonka Xaafadda Xaawo Taako, xilli uu Masjid kasooo baxay.

Marxuumka, ayaa goobta ku geeriyoodey kadib markii dableyda ay ka toogteen qeybaha sare ee Jirkiisa. Lama oga sababta loo bartilmaameedsaday Nabadoonka, balse waxaa socda baaritaan xoog leh, oo ay wadaan Laamaha amniga degmada.

Al shabaab ayaa inta badan fulisa dilalka qaarijinta ah, ee ka dhanka ah Odayaashii soo doortey Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM