Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Kooxo hubaysan ayaa saaka ku diley magaalada Muqdishu Nabadoon caan ah oo lagu magacaabi jirey Allaha u naxariistee Ugaas Cabdulqaadir Sheekh Xuseen Farey.

Dilka Nabadoonka waxaa geestay labo qof oo bastoolado ku hubaysan oo ku weeraray meel ku dhaw Gurigiisa oo ku yaalla Buunada Ansalooti, ee degmada Waaberi, sida Goobjooge uu u sheegay GO.

Weerarkaas kadib, waxaa goobta soo gaarey ciidamo katirsan Booliska Somalia, oo sameeyay howlgal aan cidna lagu soo qaban, maadaama kuwa dilka fuliyay ka baxsadeen inta aysan meesha soo gaarin.

Lama oga sababta loo dilay Nabadoonka iyo cida dishay intaba, balse dilkiisa wuxuu qeyb ka yahay dilalka ka dhacay Muqdishu, kuwaasi oo lala eegtay Nabadoonada, Askarta iyo shaqaalaha dowladda.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadeeda, balse waxaa dilalka caynkan ah waxaa gaysta kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM