Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Qoryoolay

Image

QORYOLEY, Somalia - Kooxo hubaysan oo loo malaynayo inay katirsanyihiin Al shabaab, ayaa xalay degmada Qoryooley ku dilay Nabdoon caan ah, oo lagu magacaabi jiray Xaaji Xasan Madaxgaduud.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay in labo dhalinyaro ah oo ku hubaysanaa Bastoolado Nabadoonka ay dileen xilli uu kasoo baxay Masjidka Jaamaca ee degmada, kadib markuu soo gutay salaadda maqrib.

Lama oga sababta loo dilay iyo cida dishay Nabadoon Xaaji Xasan Madaxgaduud, oo kamid ahaa oday dhaqameed si aad ah looga yaqaaney gobolka Shabeellaha hoose.

Taliyaha Booliska degmada Qoryooleey Cabdulqaadir Maxamed Cali ayaa tilmaamay inay sameeyeen saaka howlgal amniga iyo baaritaanno la xiriira dilka Nabadoonka.

Amniga Qoryooley ayaa ah mid aad u liita, waxaana inta badan ay weeraro iyo dila ka gaysta mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab iyadoo ay joogaan ciidamada AMISOM kuwaasoo muddooyinkii dambe lagu dhaliilayay wax-qabad la’aan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM