Natiijada shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo laga shiray

Image
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Safiirka Mareykanka u jooga Muqdisho, Larry Andrè.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dalka Mareykanka u jooga Muqdisho Larry Andrè.

Labada mas'uul ayaa waxay "ka wada hadleen guushii laga gaaray dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed iyo xaaladaha guud ee dalka".

Danjiraha ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka "uga mahadceliyay sida hufnaanta iyo dhexdhexaadinta leh uu u maamulay isl-markaana ku guuleystay gogoshii taalay magalada Baydhabo in si guul ah lagu soo gabagabeeyay".

Gunaanadka kulanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku ammaanay Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ay la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taageeradii shirkii dib u heshiisinta KGS iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaariijta oo cadow ku ah jiritaanka iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM