Nin dad ku rasaaseeyay magaalada Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Qof la sheegay inuu madaxa ka xanuunsanayo ayaa rasaas oodda uga qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa gudaha magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Hal qof ayaa dhintay, waxaana sidoo kale dhaawacmay Afar kale oo ay soo gaareen dhibaatooyin kala duwan.

Majirto cid ilaa hadda ka hadashay dhacdadaas iyo sidoo kale xaalka ninka weerarka gaystay.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta soo gaaray iyagoo qaaday dhaawacyadii rasaasta wax ku noqday, kuwaasoo iminka lagu dabiibayo gudaha magaalada Baladweyne.

Ninkii dilka gaystay ayaa gacanta lagu hayaa, waxaana kusocda baaritaan, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM