Shaqsi loo haysto weerarkii lagu dilay Sheekh Cabdiwali oo la xukumayo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah waxay dhageysatay kiis ka dhan ah Cabdullaahi Cali Maxamed.

Dhageysigii maanta ayaa wuxuu ahaa midkii labaad, waxaana fadhigii koowaad la waydiistay dacwad-oogeyaasha in ay la yimaadaan caddeymo.

Cabdullaahi ayaa lagu soo oogay labadda dacwadood, sidda ku xusan gal-dacwadeedka oo nuqul kamid ah uu helay Garowe Online.

Eedeymaha ayaa waxay kala yihiin; in uu xubin ka yahay dagaalameyaasha Al-Shabaab iyo weerar ka dhacay Gaalkacyo 26-kii November 2018.

Duulaankaas oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ay sheegteen ayaa lagu beegsaday xarun diimeed ku taala xarunta gobolka Mudug.

Xaruntaas waxaa maamule ka ahaa wadaad lagu magacaabo Sheekh Cabdiwali Cali Cilmi Yare, kaasooo isaga iyo qaar kamida xirtiisa gulufka lagu khaarijiyey.

Sidda ku xusan warqadda, Cabdullaahi ayaa kamid ahaa raggii weerarka fuliyey, kuwaas oo adeegsaday qaraxyo iyo rasaas toos ah.

Shaqsigan oo Al-Shabaab looga dhex-yaqaano Maxamed ayaa ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan degmada Qansax Dheere.

Sheekh Cabdiwali ayaa horey wuxuu ugu lug-yeeshay mawduucyo muran dhaliyey, isaga oo lagu eedeeyay in Nabi Maxamed NNKH "uu caayey".

Al-Shabaab oo dilkiisa sheegatay ayaa xustay in ay dhowr jeer uga digtay "arrimaha uu ku kacayo ee meel ka dhaca ku ah Diinta Islaamka".

Dacwad-oogeyaasha ayaa la yimid caddeymo ay kamid yihiin qorigii uu ku dagaalamayey, qiraalo laga qoray iyo afar marqaati.

Xeer-ilaalinta ayaa codsatay in dil toogasho lagu xukumo "si ay ugu waanno qaataan dhalinyaradda ay haatan marin-habaabineyso Al-Shabaab".

Qareenka difaacayey eedeysanaha ayaa wuxuu ku doodey in isaga oo yar uu kamid noqday Al-Shabaab "isla markaana loo naxariisto".

Garsooreyaasha oo dhamaadka maxkamadda hadlay ayaa shaaca ka qaadey in go’aanka ay ka qaadanayaan kiiska kusoo saari doonan qoraal ahaan.

GARAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM