Maxkamad ku taalla Ingiriiska oo xukun ku riday nin Soomaali ah

Image

LONDON, UK – Maxkamad ku taalla magaaladda Cardiff, ee gobolka Wales oo katirsan dalka Ingiriiska, ayaa lagu soo waramayaa in ay xukun ku riday nin Soomaali ah.

Axmed Ismaacil Cali ayaa lagu eedeeyay in uu bishii Febuary ee sanadkaan Tooreeyay haweenay la sheegay in ay saaxiibo ahaayeen.

Ninkan oo 34 jir ah ayaa Olivia Spinks oo 26 jir ah ku weeraray meel ay ka dukaameysanaysay, sida uu boolisku sheegey.

Ninkan ayaa gabadha kala dhaxeeyay mudo 4 sano ah xiriir jacayl, waxaana intii ay wada socdeen ay Olivia kala kulmaysay Axmed tacadiyo iyo dhibaatooyin kale.

Illaa hadda lama ogga waxa ku kalifay Axmed in uu ku kaco isku dayga dil.

Garsooriyaasha maxkamadda ayaa dhageysatay kiiska eedeysanaha oo ah inuu damcay dilka gabadha, taasoo dhaawacyo kasoo gaarey weerarka mindida.

Waxaa la dhigay Olivia University Hospital oo ku yaalla Wales, iyadoo ay sheegeen dhaqaatiirta in gabadha dhaawaceeda uu culus yahay, islamarkaana uu kasoo gaarey madaxa iyo qoorta.

Muuqaalo laga helay kaamirooyinka qarsoon ee "CCTV" ayaa laga daawaday qaabkii uu u dhacay falka kaasoo dadkii goobta ganacsiga ku sugnaa ku abuurey cabsi xooggan iyo kala carar.

Axmed ayaa goobta ka baxsaday weerarka kadib, balse ciidamada ayaa gacanta ku dhigay markii dambe isagoo ku dhuumaalaysanayay gudaha Ingiriiska, iskuna dayaya inuu dalka ka baxo.

Saraakiisha amniga ayaa weerarka ku tilmaamay "fal naxdin badan" waxaana maxkamadda ay eedeysanaha ku xukuntay 14-sano oo xabsi ah.

Garsoore Eleri Rees ayaa amray in Axmed, oo deganaa Butetown, uu xabsiga ku qaato shan sano oo dheeri marka uu dhameysto xukunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM