Nin Soomaali ah oo turjumaan u ahaa FBI-da oo dambi lagu soo oogay

Image

WASHINGTON, US – Turjumaan Soomaali ah oo ka tirsanaa hay'adda sirdoonka Mareykanka ee FBI-da ayaa wuxuu kasoo muuqday maxkamad.

Cabdirisaaq Wehliye ayaa lagu soo eedeeyay in uu si qaldan u fasiray qoraalo markii codkiisa lagu qabtay shaqsiyaad la tuhunsan yahay.

Xubnaha lagu qabtay isagoo la hadlayo ayaa waxaa looga shakisan yahay in ay gacansaar la leeyihiin kooxaha loogu yeero in ay yihiin argagixiso.

Wehliye oo degan Virginia ayaa la xiray sanadkan waxaana uu beeniyay dambi ah in uu fasiraad khalad ah sameeyay uuna carqalad ku noqday baaritaan.

ABC News ayaa warbixin uu daabacay inta aysan bilaaban maxkamdeynta wuxuu ku sheegay in Wehliye uu sameyn doono "dambi qirasho".

Maxkamadeyntiisa ayaa ka qabsoontay xeer-beegto heer federaal ah kuna taala magaaladda Alexandria ee ismaamulka Virginia.

Wehliye ayaa qaabilsanaa dhageysiga iyo tafsiirada wicitaanada shaqsiyaadka baaritaanka ku socdo ee looga shakisan yahay in ay dadka ka caawiyaan ku biiritaanka Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa dagaalameyaasha xiriirka la leh shabakadda Al-Qaacida wuxuu u aqoonsan yahay in ay yihiin "urur argagixiso".

"Markii Wehliya uu magaciisa ka maqlay wicitaanada wuxuu ka dhigay ruux aan aqoon," ayay dacwad oogeyaasha ku sheegeen warqada dacwadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM