Nin katirsan Jabhadda ONLF oo lagala baxay gacanta Galmudug

Image

CADAADO, Somalia - Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Somalia, ee (NISA), ayaa lagu eedeeyay inay dhibaatooyin xooggan ka sameynayso deegaanada maamulka Galmudug.

Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Cilmi Nuur "Taardhuleed", ayaa sheegay in Ciidamada NISA ay si qarsoodi ah xabsi ugala soo baxeen nin uu sheegay inuu katirsan yahay Ururka ONLF.

Isagoo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Cadaado, ayaa intaasi ku daray in NISA ay Ninkan kala soo baxeen si xoog ah gacanta Ciidamada Galmudug, kadibna ay usoo qaadeen magaalada Muqdishu.

Taardhuleed ayaa tibaaxey in Ninkan ay soo wateen NISA uu ku xirnaa xabsi ay Galmudug maamusho, islamarkaana ay Ciidamada amniga ku sameynayeen baaritaano, kadib markii howlgal ay kusoo qabteen.

Macluumaad hoose oo uu helay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in Ninkan katirsan Jabhadda ONLF uu yahay Shaqsi si aad ah u doon-dooneyso dowladda Ethiopia, oo lacag badan la dul-dhigay Madaxiisa.

Wuxuu sidoo kale xusay in Ciidamada Nabad Suggida dowladda Federaalka Somalia ee ka howlgalla magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado ay gaystaan dhibaatooyin kala duwan, iyo Tacadiyo joogto ah.

Wasiirka ayaa ku hanjabey in Galmudug ay ka fiirsan doonto xiriirka kala dhaxeeya dowladda Dhexe, hadii aysan NISA joojin falalka gurracan ee ay kawadaan deegaanada uu ka arrimiyo maamulkaasi.

Wararka laga helayo xubno ka tirsan sirdoonka Somaaliya ayaa sheegaya in sarkaal kan ka tirsanaa ONLF ay raadineysay Dowlada Ethiopia balse ciidamada Nabadsugida NISA kala soo baxsadeen Galmudug halkaas oo ay u arkeen ineysan ku difaaci karin.

Saraakiisha NISA wali kama aysan jawaabin eedaynta uga timid Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM