Norway oo baaq kasoo saartey doorashada Soomaaliya

Image
Norway ayaa kamid ah wadamada Soomaaliya sidda weyn uga taageera dib u soo kabashada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Norway ayaa si weyn waxay u taageertay baaqa caalamiga ah ee ah in doorasho xalaal ah, lagu kalsoonaan karo oo nabad ah ay ka dhacdo Soomaaliya.

Norway oo qayb ka ahayd war-saxaafadeedyadii u dambeeyay ee diblumaasiyinta fadhiya Xalane soo saareen ayaa kamid ah wadamada Soomaaliya ka taageera dib u soo kabashada.

Sida laga soo xigtey qoraal kasoo baxay safaaradda Norway ee xaruntooda ay tahay magaalada Muqdisho, Norway waxay aaminsan tahay in xalka muran walba uu yahay wadahadal.

"Norway waxay taageereysaa baaqa caalamiga ah ee ah in doorasho xalaal ah, lagu kalsoonaan karo oo nabad ah ay ka dhacdo Soomaaliya," ayaa lagu daabacay barta safaarada ee Twitter-ka.

Bayaanka kooban ayaa la raaciyey: "Waxaa la joogaa waqtigii laga gudbi lahaa doorashada oo dib loogu laaban lahaa dhabbaha dib u habeynta iyo horumarka mustaqbalka fog".

"Hadii la helo hogaan wanaagsan, waxaan ku qanacsanahay in Soomaaliya ay horumar ka gaari karto heerka xiga," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kooban ee safaaradda.

Hadaladii u dambeeyay ee beesha caalamka kasoo saareen arrimaha doorashooyinka ayaa ka dambeeyay markii mucaaradka uu qaabka ay ku bilaabatay xulista Aqalka Hoose naqdiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM