Nuqul kamid ah heshiiskii Ahlu Sunna iyo xukuumadda oo lasoo bandhigay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ururka Ahlu Sunna ayaa wuxuu Talaadada maanta ah soo bandhigay nuqul kamid ah "heshiiskii dhexmaray ururkaas iyo dowladda federaalka ah".

Wararka ayaa waxay sheegayaan in hogaanka ururka Ahlu Sunna ay nuquladan u direen Beesha Caalamka si loogu kala dab-qaado maadaama ismaandhaaf uu jiro.

Khilaafka ugu badan ayaa waxaa la aaminan yahay in uu ka taagan yahay magacaabida Guddiga Doorashooyinka iyo cidda lahaaneysa maamulka ugu badan ee coddeynta.

Heshiiska fahfaahin buuxa kama bixinayo cidda magacaabeysa Guddiga iyo Maamulkaba, waana halka ay mushkiladdu ka taagan tahay, sidda xogta ay sheegeyso.

Xukuumadda ayaa magacowday Guddi Doorasho oo ku sugan Dhuusamareeb, halka Ahlu Sunna ay dhankeeda magacaabatay Guddi, kaasoo howlihiisa guda galay.

Saaxiibadda Caalamka ayaa la filayaa in ay ka jawaabaan warqadda Ahlu Sunna, oo ku adkeysatay in maadaama ay Galmudug la midowday iyada maamusho doorashada.

Galmudug ayaa haatan u muuqaneysa mid dhexda ka galeysa jahwareer siyaasadeed oo mudgi gelin karta waqti dhow ay qabsoonto doorashada madaxweynaha.

Villa Soomaaliya ayaa damacsan in coddeyntan ay ka hesho natiijo ka qoslisa si lamid ah doorashadii Koonfur Galbeed, hase ahaatee, waxaa horyaala qodxo badan.

HESHIISKA LA BAAHIYEY

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM