Nuur Deeq: Sarkaalka Al-Shabaab ee kiiskiisa hadal-heynta ka dhalatay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiye sare oo katirsanaa mudo dheer Al-Shabaab ayaa shalay soo galay gacanta dowladda, iyadoo kiiskiisa uu ka dhex dhaliyay dood badan Siyaasiyiin iyo dadka baraha bulshadda caanka ka ah.

Nuur Cabullaahi Maalinguur (Nuur Deeq) ayaa ah shaqsiga illaa hadda arintiisa hadal-heynta ka taagan tahay, waxaana si yaabo kala duwan uga falceliyay dad isaga ku heyb ah iyo kuwa mucaaradka kamid ah.

Wasiirka arrimaha Gudaha Axmed Maclin Fiqi ayaa sheegay in Nuur Deeq isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Wisil ee gobolka Mudug, halka warbaahinta dowladda warisay in lasoo qabtay.

Nuurdeeq Maalinguur ayaa hogaaminayay dagaallo culus oo ka dhan ah ciidamada xoogga dalka Soomaalieed ee ku sugan gobolka Mudug, wuxuuna mas'uul ka ahaa dilka Saraakiil kala duwan, heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed.

Takiska Ciidanka amniga Puntland [PSF] ayaa dhankoodii war ka soo saaray Nuur Deeq oo ay ku dalbanayaan in sharciga la horkeeno maadaama uu ku lug lahaa dambiyo waaweyn, isla markaana uu sabab u ahaa colaada muddo ka taagneed magaalada Gaalkacyo, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay shaaciyeen in Nuur Deeq uu ku lug lahaa dilal loo geestay:

1- Cabdicasiis Cabdullahi Qooje, taliyihii hore ciidamada milatariga qeybta 21-aad.
2- Maxamuud Yaasiin Tumey, duqii hore ee Gaalkacyo Puntland.
3- Duqii hore ee Gaalkacyo Galmudug.
4- Mukhtaar Cabdi Aadan, taliyihii Danab ee gobolka Mudug.

Image

Dhinaca kale, falcelinta ka soo yeertay xildhibaanada Galmudug ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku tilmaamay baaqyadii loo soo jeediyay in ay tahay munaafaqnimo.

Xildhibaan Qaali Cali Shire oo difaacday Nuur Deeq oo qaraabo yihiin ayaa tiri: ”Nuur Deeq kama xuma kuwa 100ka laayay ee hadana xilalka dowlada ka haya”.

Qaali ayaa sida muuqata falcelin kala kulantay hadalkan iyo cadaadis, waxayna sheegtay markii dambe in barteeda Facebook laga jabsaday, hadalkaasi oo dad badan ku tilmaamey xeelada uga baxaysa xaaladda lugaha la gashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM