Afar arrimood oo Khayre kusoo qaadey khudbadiisa Madasha Dooxa

Image
Image
Image

DOOXA, Qadar - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa khudbad ka jeediyay madasha 19-aad ee Dooxa

Ra'iisul Wasaaraha ayaa Khudbadiisa uga hadlay dowrka ganacsatada ee badbaadinta bulshada iyo dib-u-dhiska dalka, fursadaha dalka ka jira, sharciyada ganacsiga dhiirri gelinaya ee dowladdu meel marisay iyo rejada laga qabo in Soomaaliya ay noqoto jiha ay dunidu kusoo hirato.

Dowrka Ganacsatada

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxa kaliya ee bulaalay dadkana badbaadiyay uu ahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay oo hantay kalsoonida dadka.

“Si muuqata ayay ganacsatada Soomaaliyeed u ahaayeen laf-dhabarta dalkeenna 30kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo keenayay badeecooyinka iyo adeegyada kale ee dalka looga baahan yahay. Xitaa markii ay adkayd in ay dadku isugu gudbaan gobol ilaa gobol, bahada ganacsigu waxa ay awoodi kareen in ay meel kasta oo dalka ah isaga gooshaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Isgaariinta Casriga Ah

“Soomaaliya waxa ay leedahay mid ka mid ah isgaarsiinta ugu wanaagsan qaaradda Afrika, adeeg xawaaladeed oo casri ah oo adeegyo siiya Soomaalida iyo dad aan Soomaali ahayn oo ku nool dunida dacalladeeda, Habka xaawaadalaha lacagta ee mobile-lada loo adeegsado, kaas oo bishii sameeya 155 milyan oo xawilaad ah." Ayuu Ra'iisul Wasaaruhu ku sheegay Khudbaddiisa Madasha Dooxa.

Dowladda iyo Dhiirri gelinta Ganacsiga

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda oo dadaal xooggan ku bixineysa dhiirri gelinta ganacsiga iyo ganacsatada una sahleysa maalgashiga Soomaaliya, ay saddexdii sano ee la soo dhaafay meel marisay sharciyada arrintaas la xiriira ee ay kamidka yihiin Xeerka Maamulka Maaliyadda, Sharciga Isgaarsiinta, Sharciga maalgashiga iyo Sharciga la dagaallanka musuqmaasuqa, kuwaas oo dhamaan sahlaya in Soomaaliya ay noqoto meel soo jiidata maalgashadayaasha.

Soomaaliya waxa ay leedahay Imkaaniyaad aad u mihiim ah, Xeebta aad ugu dheer qaaradda Afrika, Khayraad kalluun oo aan wali sidii la rabay looga faa’iideysan, beero, macaadin, shidaal , gaas iyo adeegyo kale.

Ra'iisul Wasaaruhu waxaa kale oo Khudbaddiisa ku sheegay in Khayraadka Soomaaliya ceegaaga ee maalgashiga u baahan uu horseedi karo in dhaqaalaha Soomaaliya uu si dhaqso ah u kobco, taas oo hagaajineysa xaaladda nololeed ee dadka hadii si wanaagsan looga faa'iideystana ay suugal noqoneyso Xaqiijinta amniga cuntada oo joogto ah, Abuurista fursado shaqo oo aad u badan, horumarka ganacsiga heer qaran iyo caalamkaba iyo Uruurinta dakhli badan iyo kordhinta wax soosaarka gudaha.

Soomaaliya: Jihada cusub ee dunidu ku soo hiraneyso

Ra'iisul Wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay noqoto jiho cusub oo dunidu ku soo hiraneyso sanadaha soo socda, maalgashadeyaashuna aysan ka qeyb qaadan oo kaliya dib-u-dhiska Soomaaliya, balse ay sidoo kale ka faa’iideystaan kheyraadka iyo imkaaniyaadka dalkeenna, Soomaaliyana ay kaalinteedii saxda ahayd ka ciyaari doontaa gobolka iyo dunidaba intiisa kale.

Xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM