Puntland oo shaacisay aragtideeda samaynta Khaatumo State

Image
Isu-soo-baxyada kasoo cusboonaadey Laascaanood ayaa sababay in ay soo noolaato aragtidan.

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa sheegtay in fikirka ku aadan samaynta maamulka Khaatumo oo ka hirgala gobolada Sool iyo Sanaag uu yahay mid fashil ku dambeyn doona, islamarkaasna aanan shaqaynayn.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Ceydiid Dirir oo Garowe ka hadlay, ayaa sheegay in qorshihii hore ee Khaatumo lagu sameeyay uu aakhirkii ku dhamaaday magaaladda Hargeysa,

Mr Dirir oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in hadda uusan soconaynin qorshaha ay shaaciyeen dad sheegay in ay metalaan siyaasadda dadka goboladaas.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa aaminsan in arrimaha goboladani laga doodi karo marka xaaladaha taagan ay soo idlaadaan, kana tashadaan dadka goboladaasi.

Dhanka kale, Bartamaha magaalada Boosaaso waxaa maanta ka dhacay dibad-bax lagaga soo horjeedo diiwaan-gelinta doorashada lagu muran-san yahay laguna taageerayo shacabka Laascaanood.

Guddiga KMG ee doorashooyinka ayaan soo dhaafin jaamacadda Bariga Afrika halkaasi oo ay ka dhigteen rug xilli shalay ardayda Jaamacaddu ay cabasho warbaahinta mariyeen.

Isla caasimadda Garowe, madwayne ka caraysan diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay isla markaana taageero u muujinaya shacabka Laascaanood ayaa socod ku maray Laamiga dheer ee bartamaha magaala madaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM