Qaraar ciidanka Mareykanka looga saarayo Soomaaliya oo fashilmay

Image
Mudaneyaasha Senate-ka ayaa 102-321 ugu kala codeeyay in ay diidaan qaraarkan.

WASHINGTON, United States - Xildhibaanada Aqalka Sare Mareykanka ayaa Khamiistii ka codeeyay qaraar ku qasbaya Madaxweyne Biden in uu dhammaan ciidamada Mareykanka ka soo saaro Soomaaliya.

Mudaneyaasha Senate-ka ayaa 102-321 ugu kala codeeyay in ay diidaan qaraarka is garab socday ee uu soo jeediyey mudanaha ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ah ee Matt Gaetz.

Gaetz waxa uu ku dooday in dhawrka boqol ee askari ee jooga Soomaaliya aanay muhiim u ahayn ilaalinta Maraykanka, Maraykankuna aanu “ka guuleysan fikradda” kooxaha shisheeye.

"Waxaan ka baqayaa Shiinaha. Waxaan ka baqayaa jeneraal Ruush ah oo waalan oo haysta KEYDKA Nukliyeerka in ka badan inta aan ka baqo qabqablayaasha Soomaalida," ayuu tibaaxay.

Sharci-dejiyaha ayaa ku daray: "Waxaan qiyaasayaa inay fududahay in la istaago oo la yiraahdo waa inaan noqonaa bilays meel kasta sababtoo ah meel kasta oo qof xun ayaa rabi kara inuu na dilo".

Xildhibaan Gaetz ayaa ku qasbay aqalka in uu u codeeyo qaraarkii bishii hore ciidamada Mareykanka looga saarayay Suuriya, balse codkaas ayaa sidoo kale fashilmay.

Ciidamada Mareykanka ayaa tan iyo sanadkii 2014-kii u jooga Soomaaliya si ay u fuliyaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan la dagaalanka xoogaga Al-Shabaab ee uu baacsanayo Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM