​Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Somalia - Qarax xooggan oo Ismiidaamin ah ayaa goordhaw ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha dalka Somalia.

Goobjoogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay qaraxa, oo ay sheegeen inuu fuliyay nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaasi oo isku qarxiyay afaafka xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in naftii-hurahan uu bartilmaameedsaday dad shacab ah, oo fadhiyay goob Makhaayad ah, oo dhowr Tallaabo u jirta irida dhisamaha uu degan yahay gudoomiyaha gobolka.

Wali ma cadda khasaaraha ka dhashay weerara ismiidaaminta ah, oo noqonaya midkii ugu xooggaana oo dhawaanahan ka dhaca Beledweyne, oo 350KM waqooyi uga beegan Muqdishu.

Fahfaahinta qaraxa, kala soco wararkeena dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM