​Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa goordhaw waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Somaaliya, kaasi oo lala eegtay Makhaayad caan ah.

Goob-joogiyaal, ayaa u sheegaya Warsidaha Garowe Online in Qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo lala eegtay Makhaayadda London Gate oo ku taalla degmada Xamarweyne.

Gaadiidka Gurmadka Deg Dega ah ayaa goobta durba gaarey, kuwaasi oo dhaawacyada u qaadaya Isbitaallada magaalada, iyadoo Ciidamada amniga ay xireen wadooyinka ku dhaw Makhaayadda.

Lama oga khasaaraha dhimashada ee qaraxa, kaasi oo ahaa mid culus, oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho.

Fahfaahin Filo Goordhaw.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM