Qarax ka dhacay Duleedka Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo

Image

CEEL WAAQ, Somalia – Wararka aan ka helayno gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta uu Qarax uu ka dhacay duleedka degmada Ceel-waaq, oo ku taalla xuduuda kala qeybisa Somalia iyo Kenya.

Qarax oo ka dhashay Miino wadada qarkeeda lagu aasay ayaa lala beegsaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada dowladda Kenya ee Qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa, ee AMISOM, xilli ay kasoo gudbeen Xuduuda.

Rasaas xoogga ayaa laga maqlay goobta qaraxa, kadib markii weerar kale oo toos ah oo ay kusoo qaadeen Ciidanka Kenya Dagaalyahano katirsan Kooxda Al shabaab, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

AMISOM ayaa sheegtay in Al shabaab ay iska-caabin kala kulmeen Ciidamada Kenya, sidoo kalena lagu gaarsiiyay dagaalka khasaarooyin kala duwan, oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Al shabaab kama aysan hadlin weerarka Duleedka Ceel-waaq iyo khasaarihiisa.

Degmda Ceel-waaq waxay marin muhiim ah u tahay Ciidamada Kenya, ee ka howlgala gudaha Somalia, maadaama ay usoo maraan Sahayda, waxaana isticmaala askarta isku bedela howlgalka AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM