Qarax ka dhacay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax loo adeegsaday miino lagu xiray baabuur ayaa goor-dhaweyd ka dhacay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, sida ay GO u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Weerarka ayaa ka dhacay degmada Waabari ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxa lagu xiray baabuur uu watay muwaadin lagu magacaabo Cabdishakuur Ciise.

Ninkan ayaa la sheegay inuu katirsanaa shaqaalaha dowladda Federaalka Somalia isaogo sidoo kale la shaqayn jiray hay’ado kale oo xukuumadda ka madax-bannaan.

Ilaa hadda  majirto waxa khasaaro ah oo la sheegay inuu ka dhashay, isku daygaas lagu khaarajin lahaa Cabdishakuur.

Mas’uulkan ayaa la sheegay inuu ka shakiyay gaariga wax yar uun ka hor intuusan kaligiisa qarxin.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, balse waxaa la rumaysanyahay inay tallaabooyinka caan ku tahay mallayshiyada Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM