Qarax ka dhacay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax loo adeegsaday miino lagu xiray baabuur ayaa goor-dhaweyd ka dhacay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, sida ay GO u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Weerarka ayaa ka dhacay degmada Waabari ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxa lagu xiray baabuur uu watay muwaadin lagu magacaabo Cabdishakuur Ciise.

Ninkan ayaa la sheegay inuu katirsanaa shaqaalaha dowladda Federaalka Somalia isaogo sidoo kale la shaqayn jiray hay’ado kale oo xukuumadda ka madax-bannaan.

Ilaa hadda  majirto waxa khasaaro ah oo la sheegay inuu ka dhashay, isku daygaas lagu khaarajin lahaa Cabdishakuur.

Mas’uulkan ayaa la sheegay inuu ka shakiyay gaariga wax yar uun ka hor intuusan kaligiisa qarxin.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, balse waxaa la rumaysanyahay inay tallaabooyinka caan ku tahay mallayshiyada Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM