Qarax ka dhacay magaaladda Ceelwaaq oo naafeeyay qoys

Image
Weerarkan ayaa waxaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeysay maleyshiyadda Al-Shabaab. [Photo: Online]

KISMAAYO, Jubaland - Saddex xubnood oo ka tirsanaa hal qof ayaa waxaa lagu waramay in ay ku ku waxyeeloobeen qarax ka dhacay magaaladda Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo hoostaga maamul goboleedka Jubaland.

Sida ay muujinayaan warbixinadda laga helayo saraakiisha nabad-gelyadda, qaraxa oo ka dhacay guri uu qoyskaas ku noolaa ayaa wuxuu sababay geerida hooyada reerka iyo dhaawaca wiilkeeda iyo saygeeda.

Weerarkan "bahalnimadda ah" ayaa, sidda ay rumeysan yihiin mas'uuliyiinta iyo dadka degaanka, waxaa ka dambeysay maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacidda.

"Ma cadda sababta ay argagixisada u beegsatay guriga. Dhamaan dhibaneyaasha waa dad shacab ah," ayuu yir Korneyl Macow Nuur Siyaad oo ah sarkaal boolis oo ku sugan Ceelwaaq kaasoo u waramay Garowe Online.

Mr Macow oo naxariista EBBE u rajeeyay hooyada geeriyootay ayaa caafimaad deg-deg ah wuxuu u rajeeyay wiilka iyo sayga kuwaasoo uu tibaaxay in sababo ammaan uusan u soo bandhigin karin magacyadoodda.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkan oo illaa haatan ay dagaalameyaasha Al-Shababa soo mariyeen warbaahintooda wallow aanan looga baran in ay ka hadlana dhibaatooyinka ay u geystaan dada aan waxba galabsan.

Ceelwaaq oo ah magaalo xuduudeed dhacda Koonfur-Galbeed gobolka Gedo ayaa 382 KM waxay u jirtaa magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho halkaasoo xarun u ah dowlada federaalka oo wali aan ka hadlin dhacdadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM