Qarax ka dhacay meel ku dhaw Villa Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax culus ayaa ka dhacay nawaaxiga Hotel Nasa Hablood oo ku yaalla  nawaaxiga Madaxtooyada Somalia ee magaalada Muqdishu.

Dad goob jog u ahaa weerarka ayaa Warsidaha GO u sheegay in Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa uu beegsaday inta u dhaxaysa Maqaaxida Banooda iyo Hotel Naasa Halbood Two, wax yar kadib Salaadda Jimcaha.

Goobta qaraxa oo ay ku yaallaan Hoteelo dhowr ah, oo ay degan yihiin Madax katirsan dowladda, Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa durbaba xiray ciidamo.

Lama oga illaa hadda Khasaaraha qaraxa. Ma jirto cid sheegtay Mas'uuliyadda weerarka.

Waa qaraxii labaad oo Muqdishu ka dhaco maanta, kii hore waxa uu ka dhacay Xaafadda Sey Biyaano, waxaana uu ka dhashay walxo qarxa oo lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo la dhigay Guri dhexdiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM