Qarax kale oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax ayaa caawa waxa uu ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasi oo noqonaya midkii labaada mudo labo maalmood gudahooda ka dhaca magaalada Muqdishu, ee Caasumadda u ah dalka Somalia.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray Gaari nooca raaxada ah, oo uu watay Nin magaciisa lagu soo koobay Cabdi Cunug, oo horey uga tirsanaa Hogaamiye kooxeedkii dalka, haddana la shaqeynayay Hay'adda Nabad Sugida Somalia (NISA).

Wararka ayaa sheegaya in Cabdi Cunug iyo labo kale oo la saarnayd gaariga, oo kala ah haweenay iyo cunugeeda ay ku dhaawacmeen qaraxa islamarkaana loola cararay Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdishu, sii xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Gaariga Cabdi Cunug ayaa mar uun qarxay xilli uu marayay caawa fiidkii wado ku taalla Xaafadda Horseed, ee degmada Waaberi, waxaana durbadiiba goobta xiray Ciidamada amniga dowladda Somalia, oo sameeyay baaritaan xooggan, mana la oga inay dad kusoo qabateen.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxan, oo ah kii labaad oo Muqdishu ka dhaca, iyadoo shalay qarax gaari oo ka dhacay wadada Makka Al-mukarama ay ku dhinteen ugu yaraan 6 ruux, halka 15 kale oo dhamaan dhacab ahaa ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyada ayaa u muuqda kusoo soo kordhaya, waxaana loo sababeeyay gaabiska Hay'adaha dowladda, oo mudooyinkii dambe hoos u dhigay howlgalkii Xasilinta Caasimadda, iyadoo aan la ogeyn waxa keenay arintaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM