Qarax kale oo ka dhacey agagaarka KM4 magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Afar qof ayaa ku dhaawacmay qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdishu, kaasi oo noqonaya midkii labaad mudo hal maalin gudaheeda ka dhaca Caasumadda Somalia.

Goob-jooge ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhacay meel ku dhaw dhisamaha safaarada Qatar ee ku taala Wadadka isku xirta Isgoyska KM4 iyo Tarabuunka, nawaaxiga Gurigii Cabdi qaasim. 

Afar ruux oo shacab ah, oo marayay wadada ayaa ku dhaawacantay qaraxa. 

Ma jiro wax khasaaraha ah oo gaarey shaqaalaha safaarada dowladda Qatar. 

Waa qaraxii labaad, oo ka dhaca magaalada 24-saac gudaheeda.

Qaraxa hore ayaa maanta ka dhacey Maqaaxi ku dhaw wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Muqdishu.

Qaraxyadana ayaa kusoo beegmaya, xilli maalintii shalay uu wasiirka cusub ee amniga uu shaaciyay inuu la imaan doono qorshe oo uu ugu magac-daray "Xasilinta Caasumadda." 

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM