Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Image

BUULABURDE, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa naga soo gaaraya Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan, qaraxan xoogan ayaa ka dhacay suuqa kawaanka ee degmada, waxuuna geystay Khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay gaarayso ilaa 5 ruux oo laba ka mid ah ay ka tirsanaayeen ciidamada amaanka, halka qaraxa uu geystay burbur xoogan kaas oo soo gaaray dhismayaasha ku yaala aagaas.

Wararka naga soo gaaraya dadka deeganaka ayaa tibaaxaya in jugta qaraxa laga malqay inta badan ee xaafadaha degmada, waxaana isla markii goobta tagay ciidaamo ka tirasan dowladda federaalka iyo maamulka gobolka si ay howlagallo uga fuliyaan degmada.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale gurmad u fidiyay dhaawacyadii ku waxyeeloobay qaraxan, iyada oo aan ilaha dowladda ilaa haatan shaacin tirada saxda ah ee dadka ku dhaawacmay amase ku dhintay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM