​Qarax lagu dilay ciidamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Somalia- Ciidamo ka tirsan milatariga   Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku geeriyooday qarax Miino oo lagu aasay wadada u dhaxeysa Daynuunay iyo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Weerarka ayaa ka dhacay goob lagu magacaabo Buundo Madow oo ku taal duleedka Magaalada Baydhabo.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa qaraxaas ka dhashay, waxaana wararka uu helayo GO  xaqiijinayaan, in Saddex Askari ay ku  geeriyoodeen.

Ciidamada dhintay ayaa dhammaantood saarnaa hal baabuur, kuwaasoo kusii jeeday xero ku taalla deegaanka Daynuunaay.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka lagu dilcay ciidamadaas katirsanaa maamulka Koonfur Galbeed ee dalka Somalia.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dhinaca maamulka Koonfur  Galbeed.

Maaha markii ugu horaysay ciidamo katirsan Milatariga xukuumadda Baydhabo lagu dilo qarax ay fuliyeen mintidiin katirsan ururka Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM