Qarax lagu weeraray kontarool ay ku sugan yihiin ciidanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax aan wali la xaqiijin noociisa ayaa lagu waramayaa in Sabtida maanta ah uu ka dhacay duleedka koonfureed ee Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday kontarool ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin inta u dhaxeysa Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay aaga lagu magacaabo bood-boodka oo u dhaxeysa degaanka Lafoole iyo Afgooye si gaar ah kontarool ay ciidamada ku sugan yihiin.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka, hase ahaatee, maamulka gobolka iyo kan degmadda wuxuu tilmaamay in uu tirakoobi doono waxyeelada.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda falkaas ayaa tilmaamtay in ay ku gudubtay gaari leeyihiin ciidamadda.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa sidoo kale tilmaamay in uu jiro khasaaro soo gaarey askar.

Dhinaca kale, habeenimadii Jimcaha, dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa beegsaday saldhig ciidamadu ku leeyihiin isla degmadan. Ciidamadda waxay sheegeen in ay iska caabiyeen.

Ugu yaraan saddex askari iyo afar maleeyshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay iska hor-imaad habeenimadii Khamiista, 16-ka Janaayo, 2020, ku dhexmaray degaanka Xaaji Cali ee Shabeellaha Dhexe.

Milatariga Soomaaliya ayaa 17-kii Janaayo, 2020, shaaciyey in howlgal ay ku qaadeen Hosingow oo ka tirsan Shabeellaha Hoose ay ku dileen in ka badan 10 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa 16-kii Janaayo, 2020, shaaciyey in duqeyn uu ka fuliyey Shabeellaha Hoose uu ku khaarijiyey laba xubnood oo kamid ahaa dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM