Qarax lagu weeraray kontarool ay ku sugan yihiin ciidanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax aan wali la xaqiijin noociisa ayaa lagu waramayaa in Sabtida maanta ah uu ka dhacay duleedka koonfureed ee Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday kontarool ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin inta u dhaxeysa Ceelasha Biyaha iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay aaga lagu magacaabo bood-boodka oo u dhaxeysa degaanka Lafoole iyo Afgooye si gaar ah kontarool ay ciidamada ku sugan yihiin.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka, hase ahaatee, maamulka gobolka iyo kan degmadda wuxuu tilmaamay in uu tirakoobi doono waxyeelada.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda falkaas ayaa tilmaamtay in ay ku gudubtay gaari leeyihiin ciidamadda.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa sidoo kale tilmaamay in uu jiro khasaaro soo gaarey askar.

Dhinaca kale, habeenimadii Jimcaha, dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa beegsaday saldhig ciidamadu ku leeyihiin isla degmadan. Ciidamadda waxay sheegeen in ay iska caabiyeen.

Ugu yaraan saddex askari iyo afar maleeyshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay iska hor-imaad habeenimadii Khamiista, 16-ka Janaayo, 2020, ku dhexmaray degaanka Xaaji Cali ee Shabeellaha Dhexe.

Milatariga Soomaaliya ayaa 17-kii Janaayo, 2020, shaaciyey in howlgal ay ku qaadeen Hosingow oo ka tirsan Shabeellaha Hoose ay ku dileen in ka badan 10 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa 16-kii Janaayo, 2020, shaaciyey in duqeyn uu ka fuliyey Shabeellaha Hoose uu ku khaarijiyey laba xubnood oo kamid ahaa dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM