Qarax lala eegtay Kolonyo katirsan ciidamada Kenya

Image

KISMAAYO, Jubbaland- Kolonyo katirsan ciidamada dalka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM, ayaa weerar lagula eegtay deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

 Qarax oo ahaa mid dhulka lagu aasay ayaa haleelay mid kamid ah kolonyada ciidankaas, waxaana lasoo sheegayaa inay ka dhasheen khasaaro kala duwan oo aan ilaa hadda la xaqiijin karin inta uu gaarsiisanyahay. 

Weerarka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Haawina oo ku yaalla duleedka Dhoobley. Saraakiil katirsan ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in weerarku jiro balse ay dib kasoo sheegi doonaan inta uu le'egyahay. Dhinaca ciidamada Kenya kama aysan hadlin. Lama garanayo halka ciidamadan ku jihaysnaayeen. 

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxaas, kadib markii ay ku qoreen barahooda internetka inay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada Kenya. 

Waa qaraxii labaad oo todobaadkan gobolkaas lagula eegto ciidamo ka howlgala Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Muxuu Bixinayaa Sawirka Labada Taliye Sirdoon ee Ku Sugan Dalka Itoobiya?

Kulanka labada taliyeyaal ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Al-Shabaab ay maanta…

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 06:39PM

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM