Qarax lala eegtay Kolonyo katirsan ciidamada Kenya

Image

KISMAAYO, Jubbaland- Kolonyo katirsan ciidamada dalka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM, ayaa weerar lagula eegtay deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

 Qarax oo ahaa mid dhulka lagu aasay ayaa haleelay mid kamid ah kolonyada ciidankaas, waxaana lasoo sheegayaa inay ka dhasheen khasaaro kala duwan oo aan ilaa hadda la xaqiijin karin inta uu gaarsiisanyahay. 

Weerarka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Haawina oo ku yaalla duleedka Dhoobley. Saraakiil katirsan ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in weerarku jiro balse ay dib kasoo sheegi doonaan inta uu le'egyahay. Dhinaca ciidamada Kenya kama aysan hadlin. Lama garanayo halka ciidamadan ku jihaysnaayeen. 

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxaas, kadib markii ay ku qoreen barahooda internetka inay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada Kenya. 

Waa qaraxii labaad oo todobaadkan gobolkaas lagula eegto ciidamo ka howlgala Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM