Shacab ku nafwaayey qarax ka dhacay gobolka Mudug

Image
Qaraxan ayaa ka dhacay degaan dhowaan laga saarey dagaalameyaasha Al-Shabaab. [Photo: Internet]

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ugu yaraan sideed ruux ayaa ku dhintay, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen markii gaari ay la socdeen dad rayid ah oo qarax uu ku haleelay deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo aad ugu dhow laamaha ammaanka, dadka geeriyoodey ayaa waxaa ka mid ah saddex caruur ah, oo da’dooda la sheegay inay u dhaxeyso saddex illaa shan sano jiro.

Dhinaca kale, gaari ay wateen dhallinayaro ka ganacsata qaad kuna sii jeeday deegaanka Camaara ayaa isna uu qarax qabsadey, waxaana wararku ay shegayaan in saddex qof oo mid ay tahay hawenay ay ku dhawacmeen.

Goobahan qaraxyaddu ka dhaceen ayaa kamid ah degaano dhawaan laga saaray dagaalameyaasha Al-Shabaab halkaasoo muddoyinkan ay ka socdeen howlgallo ka dhan ah xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd ka gedaal markii laba qof oo rayid ah ay sidoo kale ku nafwaayeen qarax ka dhacay deegaanka Qaycad ee isla gobolka Mudug.

Ciidamada dowladda iyo Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay soo wariyeen in ay miinooyin badan ka saareen waddoyinka, hase ahaatee wali waxay halis ka jirtaa waddooyinka qaar.

Sidoo kale, 7-dii bishan, qarax lala eegtay kolonyo uu la socday taliyaha ciidanka dhulka, Maxamed Tahliil Biixi oo ku sii jeeday isla degaanka Qeycad ee gobolka, ayaa wuxuu sababay geerida hal askari iyo dhaawaca shan kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM