Qarax gaari oo ka dhacay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa abaare 8:00 am laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho, kaasoo lagu weeraray bar-koontarool oo ciidamada dowladda ku leeyihiin Isgoyks Ex-Koontrool Afgooye.

Goobjooge la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari walxaha qarax laga soo buuxiyay.

Gaariga ayaa lagu dhuftay xafiiska ciidamada booliska uga qaadaan lacago canshuur ah gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo gobolka Shabeellaaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaro xoog leh oo shacab iyo askar soo gaarey uu ka dhashay qaraxa, iyadoo aan wali la ogeyn tirada rasmiga ah, maadaama uu socda gurmad, islamarkaana goobta ay gaareen gaadiidka ambalaaska.

Ma jirto wali cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse Kooxda Al-Shabaab ayaa looga bartay weerarada noocan ah ee ka dhaca dalka, kuwaasoo lala eegto xaruumaha dowladda, saldhigyada ciidan iyo huteelladda.

Waa markii labaad oo sanadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka oo la beegsado goobtan oo sidoo kale ay ku taalo goob gaadiidka looga qaado lacago canshuur ah.

Goobtaas lagu qaado lacagta ayaa waxaa maamusha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ay ka joogaan howladeeno, wallow aanan wali la ogaan hadii dhankooda ay kamid yihiin dadka wax ku noqday weerarkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM