Qaraxii Muqdisho oo la cambaareeyay iyo khasaaraha oo kordhay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cambaareyn caalami ah ayuu soo jiitay qaraxii saakay ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen 7 qof.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka oo lala eegtay Kolonyo la socotay Saraakiil UN-ka katirsan xili ay marayeen wadada C/qaasim abaare 7:30 A.M. waqtiga Geeska Afrika.

"Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareynaya qaraxii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, oo ahaa fal argagixisanimo oo fulisay Al-Shabaab. Qaraxyada kama leexin doonaan go'aanka Midowga Yurub ee ah in uu caawiyo dadka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri qoraal EU-da kasoo baxay.

Sidoo kale Mareykanka ayaa yiri: "Waxaan tacsi ka direynaa dadkii ku dhintay qarixii saakay, waxaana la qeybsanaynaa qoysaska xanuunka ay dareemayaan. Mareykanka wuxuu si adag u cambaareynayaa dhammaan noocyada argagixisada. Dadka Soomaaliya waxay mudan yihiin inay ku noolaadaan cabsi la'aan."

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa oo yimid xili dalka doorasho ka dhacayso, waxaana la ogeyn khasaaraha soo gaarey shaqaalaha UN-ka ee la bartilmaameedsadey.

Iskuul goobta ku yaallay oo Mucaasir lagu magacaabo ayaa ku burburey qaraxa, iyadoo aan jirin arday xiligaas joogtay, maadaama ay Khamiis ahayd Maanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM