Qaraxyadii ugu dhimashadda badnaa taariikhda ee ka dhacay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa martigelisay dhacdo kale oo taariikhda gashay. Is-miidaamintii maanta ka dhacday isgoyska Ex-kontarool Afgooye ayaa galaaftay nolol badan.

Inta la xaqiijiyey 80 qof oo u badan arday ayaa ku naf-weysay falkaas, halka dhaawaca uu yahay ka badan 125 qof oo isugu jira shacab, askar iyo arday. Saraakiisha caafimaadka waxay ka cabsi qabaan in ay korodho.

Khasaarahaan ayaa ka dhigan in qaraxaan uu noqonayo midkii saddexaad ee ugu dhimashadda badnaa taariikhda casriga ah ee Soomaaliya.

Ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdadaan, hase ahaatee, mdaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay ururka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Hargaha iyo Salaamaha

4-tii October, 2011-kii, qarax loo adeegsaday gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxo qarxa, laguna weeraray xaruntii Hargaha iyo Salaamaha ayaa lagu khaarijiyey in ka badan 100 ruux oo u badnaa arday.

Xarunta ayaa xilligaas xafiis u ahayd wasaarado dhowr ah oo ka tirsanaa dowladdii kumeelgaarka ee Soomaaliya.

Ardayda ayaa magacyadooda ka baadigoobayey wasaaradda waxbarashada oo halkaas ku tiilay, iyagoo rajo ka qabay in ay deeq-waxbarasho ka helaan Turkiga.

Xasuuqii Soobe

14-kii Oktoobar, 2017-ka, qarax ka dhashay gaari xamuul ah oo ka dhacay isgoyska Soobe, ayaa la xaqiijiyey in lagu xasuuqay in ka badan 650 ruux oo u badan shacab ay ku jiraan haween iyo caruur.

Ma jirto koox illaa iyo haatan sheegatay mas'uuliyadda labadaas weerar, hase ahaatee, mas'uuliyiinta ayaa dusha u saarey Al-Shabaab.

Isgoyska Soobe oo ku yaala bartamaha Muqdisho ayaa kamid ah kuwa ugu mashquulka badan, waxaana ka akdhow xarumo ganacsi iyo huteelo, kuwaasoo burbur hantiyadeed uu u geystay qaraxa oo jugtiisa aad loo maqlay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM