Ismiidaamin lala beegsadey xero ciidan oo ku taala Muqdisho

Image
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weeraraddan aysan wali ka hadlin dowladda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhawaqa afar qarax oo uu ku jiro mid is-miidaamin ah kaasoo si gaar ah loola eegtay xerada ciidan ee warshadii hore ee Nacnaca ayaa caawa ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warantey in dad shacab ah ay ku nafwaayeen kadib markii is-qarxiye uu beegsadey albaabka Xerada Jeneraal Dhagabadan balse ma shaacin tiradda geeriyootay.

"Weerarkan fulaynimadda ah wuxuu imaanayaa xilli Khawaariijta Al-Shabaab ay guuldarooyin milatari kula kulmeen furimaha dagaalka," ayaa lagu yiri warbixin ay daabacdey wakaaladda wararka qaranka SONNA.

Dhanka kale, warar madax-banaan ayaa tibaaxaya in naftii-haligaha uu bartilmaameedsadey dhalinyaro saf ugu jirtey in ay ku biiraan ciidamadda xogga dalka gaar ahaan cutubyo tababar loogu qaadi lahaa Masar.

Illaa haatan, dhimashadda in ka badan 15 da'yartaas kamid ah ayaa lasoo wariyey. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin falalkan.

Xoogaga hubeysan ee gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa horey waxay u sheegteen weeraro noocaan ah oo lala beegsadey isla xeraddan xilli ay dhalinyaro saf ugu jireen kamid noqoshada ciidanka.

Dhankale, ku dhowaad saddex madfac ayaa lagu waramay in ay ku dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinka Howlwadaag, Xamar-jabab iyo Warta Nabadda. Illaa haatan, lama xaqiijin karo waxyeelada ay sababeen.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ku saabsan in caasimadda gaar ahaan xerooyin ciidan iyo goobo dadku ku badan yihiin ay ka dhici karaan weeraro ay geysan karo Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM