Qatar Charity oo mashruuca Zakaatul Fidriga ka daahfurtay Muqdisho

Image
Image
Image
Mashruucaan ayaa ah mid ka faa'iideysan doonan ku dhowaad 6,000 qoys oo ku nool Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin iyo safiirka dowladda Qadar ee dalkeenna Soomaaliya, Dr Cabdullah Salem Al-Nuaimi, ayaa daah-furay Mashruuca Zakaatul Fidriga.

Daahfurka oo ay goobjoog ka ahaayeen mas'uuliyiin kala duwan ayaa Axada maanta ah waxa uu ka dhacay xarunta safaaradda Qadar ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Mashruucaan oo ah mid ku dhowaad 6,000 oo qoys ay ka faa'iideysan doonan Zakaatul Fidri ayey hay’adda Qadar Charity ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Mogadishu.

Madaxa Xafiiska Haya'dda Qatar Charity ee Soomaaliya, Cabdifitaax Aadam Macalim, ayaa tibaaxay in dadka ka faa'iideysan doona mashruucan ay ku nool yihiin degmooyinka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha hay’adda Marayanta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macalin oo goobta kula hadlay warbaahinta madaxa-banaan ayaa Dowladda Qatar waxa uu kaga mahadceliyay sida ay markasta u garab taagantahy Shacabka Soomaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM