Lix jirka raba in uu u aargudo Aabihii oo Al-Shabaab dishay

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Wiil lix jir ah oo ku nool Kismaayo ayaa doonaya inuu u aargudo Aabihii oo saddex sano kahor Al-Shabaab ku dishay magaaladaas caasimadda ku meel gaarka u ah maamulka Jubaland.

Sheekh Cabdullaahi, oo dabley ay dishay, ayaa horey uga mid noqday Al-Shabaab, iyadoo markii uu isaga baxay bilaabay olole ka dhan ah Kooxda.

Ciidamadda amniga Jubaland ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan dhowr qof oo lala xiriirinayo dilka, kuwaasoo ay kamid ahaayeen Maxamed Ibraahim iyo Ilyaas Xasan.

Ibraahim ayaa lagu soo qabtay Bastooladii falka dilka ah lagu geystay. Labadooda waxay haatan ku jiraan xabsi ku yaala Kismaayo, iyagoo aan wali maxkamad lasoo taagin.

Shaqsiyaadkan ayaa kasoo muuqday barnaamijka BBC Africa Eye. Maxamed Ibraahim oo ogolaadey in uu wareysi bixiyo ayaa sameeyay qirasho dhif iyo naadir ah oo ku saabsan dilka lagu soo eedeeyay.

"Annigoo Bastoolad wata ayaa la i qabtay," ayuu yiri. "Anniga gacanteyda qof kuma aanan toogan, laakiin waxaan la socday ragga ka dambeeyay".

Mar la waydiiyey hadii uu cafis waydiisanayo qoyska marxuumka ayuu ku jawaabay: "Haa, aad iyo aad, maxaan u waydiisan waayey? Inkastoo aan gacanteyda ku geysan, laakiin aan ku lug lahaa, waan waydiisan lahaa".

Dafirid

Ilyaas Xasan, oo Kismaayo ku cusbaa xiligga uu falku dhacayey ayaa wuxuu ka yimid dhanka degaanadda ku hoos jira maamulka Al-Shabaab.

"Al-Shabaab waan kamid ahaa, magaaladda waan iska imaadey, haddey shaqo ka qabo i dhahaan diyaar baan u ahaa markaas," ayuu yiri Ilyaas.

Wuxuu tibaaxay: "Dil kaliya ma ahan shaqo, wixii markaas qabo la i yiraahdo baan qaban jiray". Ma carabaabin shaqooyinkiisii hore.

Isagoo ka jawaabaya sababta uu ugu biiray Al-Shabaab ayuu ku sharaxay: "Waa sidda kooxaha kubadda cagta oo qof walba uu koox taageero. Dalka laba dhinac baa ka jira, Al-Shabaab iyo dawladda".

Xasan oo la waydiiyey hadii uu reerka marxuumka waydiisan lahaa cafis wuxuu ku jawaabey: "Aniga qofaan dilay ama caruur ayaan aabahooda ka dilay miyaan ku dhahay, adiga miyaa og in aan ku eedeysanahay dil?"

Aargoosi

Farxiya Xasan, xaaska marxuumka, oo si qiiro leh u hadashay ayaa waxay codsatay in toogasho lagu xukumo Ilyaas iyo Maxamed.

"In la ii dilo ayaan rabaa nimankaas, wiilkeyga aabihiisa nimanka dilay, waa in la ii dilo," ayey tiri, iyaddoo dhabta ku haysa canugeeda yar.

Caaqil Sheekh Cabdullaahi, oo lix jir ah, ayaa doonaya in uu u aargudo aabihii".

Qirasho

Wallow uu qirsan yahay in uu dilka geystay, Ibraahim ayaa barnaamijka dukumiintiriga ah ee soconaya ku dhowaad 29 daqiiqo, waxaa lagu tusiyey muuqaalka laga soo duubay codsiga Farxiya.

Oohin ayuu bilaabay isaga oo cod hoose ku yiri "iga dami". Hase ahaatee, Xasan ayaa si ay ka muuqato dhiiranaan u daawadey muuqaalka, bilow illaa dhamaad.

"Dhamaan Soomaalida way og tahay dilka waa xanuun. Adiga [wariyaha] oo dibadda ka yimid waad og tahay. Qof kasta oo dhinta ehelkiisa way saameynaysaa geeridiisa. Taas waa la og yahay," ayuu Ibraahim yiri.

Wuxuu raaciyey: "Kumanaan ayaa gadaashiisa dhimatay. ALLE ha u naxariisto isaga, nasiibkiisa iyo waqtigiisa ayaa soo dhamaadey. Hadaan dil u qalmo ha la i dilo, hadaanan dil lahayna ha la i daayo. Intaas lee waaye".

Xasan oo dafiray in uu wax door ah ku lahaa dilka Sheekh Cabdullaahi ayaa mar kale wuxuu sheegay inuu xukunkiisa ka sugayo maamulka.

"Dawladda way og tahay kiiskeyga. Xogteyda oo dhanna way haysaa. Waxaan maalin hore kaaga waramay, haddana ma kaaga waramaayo, waakaas," ayuu kusoo koobay hadalkiisa.

Sikastaba, waxaa muuqaneysa in Ilyaas iyo Maxamed ay u cadahay waxay sugayaan, balse talaabadda waxaa laga dhowrayaa mas'uuliyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM