QM oo ku baaqday in mudnaan la siiyo aragtida Jubaland ee hiigsiga 2020

Image

KISMAAYO, Jubaland – Qaramadda Midoobay ayaa ku baaqday in "mudnaan" la siiyo mowqifka Jubaland ee hiigsiga Soomaaliya ee sanadka dambe 2020-ka.

Soomaaliya ayaa qorshuhu yahay in sanadka soo aadan ay ka dhacdo doorashooyin qof iyo cod ah, wallow ay jiraan aragtiyo iska soo horjeeda.

Wakiilka gaarka ah ee UN-ka u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa hogaamiyey wafdi Talaadada maanta ah socdaal ku tegay Kismaayo, xarunta Jubaland.

Wafuuda oo ka socotay Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa la kulmay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Axmed Madoobe iyo Swan oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa fahfaahin ka bixiyey qodobadda ay kawada xaajoodeen.

Madaxweynaha Jubaland ayaa ku adkeystay in aysan dhici karin "qof iyo cod ah", isagoo cuskanaya in aan la dhameystirin Dastuurka, tiro-koob la'aan iyo arrimo kale.

Swan oo dalbaday in doorashada ay ku qabsoonto qaab lawada ogol-yahay ayaa cod dheer wuxuu kusoo jeediyey "in aan layska indha-tirin aragtidda Jubaland".

"Jubaland iyo dadkeeda waa in ay kaalin ka qaataan gaarista hiigsiga Soomaaliya ee 2020. Ma rajeynayno in aragtidooda layska indho-tiri doono," ayuu xusay.

Gabagabadii, James Swan ayaa wuxuu ku booriyey hogaamiyeyaasha Soomaaliya, hay'addaha dowladda iyo bulshadda in ay wada-hadlaan si horey loogu sii socdo.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM