Qorshe cusub oo lagu xasilinayo Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka cusub ee wasaaradda amniga Somalia Maxamed Abuukar Islow, ayaa maanta soo bandhigay qorshe lagu soo celinayo Nabadgelyada iyo kala-dambeynta caasumadda Somalia.

Isagoo ka hadlayay munaasabad uu xilka kula wareegayay, ayuu sheegay Wasiirka in ahmiyada kowaad uu siin doono wax ka qabashada nabad-galyada Muqdishu oo amnigoodu aad u xumaa muddooyinkii dambe.

Wasiirka amniga ayaa ugu magac-daray qorshaha cusub (Xasilinta Caasumadda Somalia).

"Waxaan la imaan doonaan qorshiyaal cusub, oo lagu sugayo guud ahaan amniga dalka, waxaana ka billaabi doonaan Muqdishu, waxaana ka codsanaynaa shacabka inay nala shaqeeyaan," Ayuu yiri Islow.

Dhanka kale, Wasiirka cusub ee wasaaradda amniga Somalia ayaa ugu baaqay dhalinyarada ku jirta Al shabaab inay kasoo baxaan Kooxdaasi, islamarkaana ay qeyb ka noqdaan dib u dhiska dalkooda.

Wasiir Islow ayaa xilka la wareegay xilli Muqdishu ay ka dhacayaan weeraro iyo dilal qorsheysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM