Qoyska Almaas oo soo bandhigay codsi ku aadan baaritaanka kiiska

Image

TORONTO, Canada – Qoyska iyo Ilwaad Elman ayaa waxay ka falceliyeen geerida walaashood, Almaas, ku timid 20-kii bishaan November sanadkan 2019.

Marxuumadda ayaa xabad waxay ku dishay wadada xiriirisa garoonka Aadan Cadde iyo xarunta Xalane oo ay kaga qeybgashay kulan uu Midowga Yurub agaasimay.

Howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM ayaa meesha ka saarey in dhimashadeedu ahayd "shirqool" wuxuuna caddeeyay in uu ka qeybqaadanayo baaritaanka.

Booliska Soomaaliya ayaa tilmaamay in khuburo kale oo caalami ah ay door ku yeelan doonan gal-dacwadeedka baaritaanka kiiska oo laga furay hay'adda CID-da.

Almaas oo uur lahayd ayaa ahayd mid u ololeysa arrimaha nabadda waxayna sidoo kale sarkaal dhanka warbaahinta qaabilsan u ahayd ururka Midowga Yurub.

Ilwaad, walaasheed, ayaa war-saxaafadeed reerka kasoo baxay waxay ku dalbatay baaritaan adag oo lagu sameeyo qaabka ay ku timid toogashadda.

Shaqsiyaad aysan magacaabin ayaa waxay ku waanisay in dhimashada Almaas aysan ku lifaaqin xaaladaha kale ee ku xeeran. Ma bixin tafaasiil dheeri ah

Qoyska ayaa sidoo kale waxa uu bayaanka, oo ku qoran Af Soomaali, ku codsaday baaritaanka ay si wadajir ah u sameeyaan Soomaaliya iyo Canada.

Hoos ka akhariso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM