Ra’iisul Wasaaraha oo markii ugu horreysay la kulmay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya

Image

MUQDISHIO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leeyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddel horseedaya Horumar waara.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray waajibaadka looga fadhiyo xubnaha Golaha Hannaanka Casriyeynta taabogalinta hannaanka casriga ah ee la hiigsanayo in jiho cusub u horseedo nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska kaabayasha dhaqaale iyo amni.

Todobaadkii hore ayuu Ra’iisul Wasaaruhu dhisay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol leeyahay in la abuuro laguna horumariyo isbeddello horseeda horumar waara, waxayna asaas u noqon doonaan xukuumad xasiloon oo tayo leh oo ka dhalata Soomaaliya, sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

“Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya waa mid abuuraya dadaallo wadajir ah oo ay iska kaashanayaan dhammaan wasaaradaha dowladda, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah, saaxiibada caalamiga ah, NGO-yada, ganacsatada iyo bulshada rayidka si loo horumariyo dowladnimada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM